Wir haben Videos eingebettet, die auf externen Video-Plattformen (z.B. YouTube) liegen. Es besteht die Möglichkeit, dass externe Video-Plattformen Cookies setzen. Wenn Sie dem zustimmen, können solche Videos abgespielt werden. Dazu besuchen Sie bitte unsere Cookie-Einstellungen. Weitere Informationen bietet unsere Datenschutzerklärung.

Wir haben Videos eingebettet, die auf externen Video-Plattformen (z.B. YouTube) liegen. Es besteht die Möglichkeit, dass externe Video-Plattformen Cookies setzen. Wenn Sie dem zustimmen, können solche Videos abgespielt werden. Dazu besuchen Sie bitte unsere Cookie-Einstellungen. Weitere Informationen bietet unsere Datenschutzerklärung.

Wir haben Videos eingebettet, die auf externen Video-Plattformen (z.B. YouTube) liegen. Es besteht die Möglichkeit, dass externe Video-Plattformen Cookies setzen. Wenn Sie dem zustimmen, können solche Videos abgespielt werden. Dazu besuchen Sie bitte unsere Cookie-Einstellungen. Weitere Informationen bietet unsere Datenschutzerklärung.

Let’s talk Period – Jalleecidda Alaabada Caadada

Helitaanka alaabta caadada ee saxda ah waxay kaa caawisaa inaad dareento nafis xilliga caadada.
Halkan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku qoran luuqado kala (Deutsch, EnglishFrançais, عربي, bosanski-српско-hrvatski中國人, پرسیش, RomânăРусский, Soomaali, Türkçeукраїнськаduwan kaasi oo kaa caawin kara inaad doorato alaabta saxda ah.

Xaashiyaha macluumaadka (Infoblätter (PDF, 664 KB)) waxa ku qoran faahfaahin ku saabsan dhinacyada caafimaadka iyo sida loo isticmaalo alaabtan caadada:

  • Tampon
  • Buush
  • Koobabka caadada
  • Saxanada caadada
  • Nigiska caadada

Dhammaan alaabtan caadada waxa la isticmaali karaa laga bilaabo ilaa bilawga ugu horreeya ee caadada, wax kasta oo ay da'daadu tahay.

FAQs waxa laga helaa macluumaad guud oo ku saabsan su'aalaha badanka la iswaydiiyo. FAQs sidoo kale waxay caawiyaan marka aad kala dooranayso alaab caado.

Waxay caawiyaan inaad si furan uga hadasho caadada. Tani waa sida kaliya ee su'aalaha furan loo caddayn karo.

Sidee xaashiyaha macluumaadka loo diyaariyey?

Macluumaadkan wuxuu ku salaysan yahay ilo iyo bogag macluumaad oo la isku hallayn karo, sida daraasado cilmi ah.

Iluhu waxay ku qoran yihiin dhammaadka. Macluumaadka waxa loo diyaariyey taageerada haweenka soo-galeetiga ah iyo khubarada.

Waa maxay caadadu? Maxaana dhaca xilliga caadada?

Jawaabaha su'aalahan waxa lagu sheegay fiidyow ku saabsan caafimaadka caadada oo ku baxaya luuqado kala duwan:

© Gesundheit Österreich GmbH

Waa maxay alaabada caadada ee la heli karaa?

Waxa jira alaabada caadada oo

  • la geliyo siilka (tampon, koobka caadada, saxanka caadada),
  • loo isticmaalo dibadda siilka (buush, nigiska caadada),
  • la isticmaalo halmar kaliya (tampon-ka, buushka halka mar la isticmaalo),
  • dib loo isticmaali karo dhawr jeer (koobka caadada, saxanka caadada, buushka marada ah ama buushka dib loo isticmaalo, nigiska caadada).

Sideen u doortaa alaabta saxda ah? Maxaa muhiim ah inaad ogaato?

Su'aalaha soo socda ayaa kaa caawin kara goortaad go'aansanayso:

  • Sidee ayey u fududahay ama u adag tahay inaan isticmaalo alaabta?
  • Sidee ayaan ku dareemayaa isticmaalka alaabta?
  • Sidee ayaan iskaga tuuri karaa?
  • Miyey jiraan biyo iyo goobo nadaafadeed oo loogu talogalay beddelista iyo dhaqista?
    Sababtoo ah, biyuhu waxay muhiim u yihiin dhaqista gacmaha iyo nadiifinta alaabada caadada hadday tahay in dib loo isticmaalo.
  • Waa imisa qiimaheegu?
  • Waa maxay saamaynta ay deegaanka ku leedahay?

Mararka qaar alaabo kala duwan ayey tahay in la tijaabiyo si loo helo tan ugu fiican. Tani sidoo kale waa isbeddeli kartaa marba marka ka dambaysa.

Kadib jirro ama qalliin ah aagga cawrada, waa inaad kala hadasho dhakhtar haween alaabta caadada ee aad isticmaali karto.

Miyey ku filan tahay isticmaalidda cudbi ama waraaqaha suuliga?

Cudbiga ama waraaqaha suuliga laguma taliyo in loo isticmaalo caadada.

Waxa kaliya la isticmaali karaa haddii wax kale la waayo.

Cudbiga iyo waraaqaha suuliga waxay si fudud u nuugi karaan bakteeriyada iyo jeermiska.

Tani waxay kordhin kartaa halista caabuqyada ee aagga cawrada.

Sidoo kale, wax uma nuugaan sida alaabada caadada.

Maxay tahay inaan la socdo marka la eego wakhtiga xirnaanshaha?

  • U beddelista si joogto ah alaabada caadadu waa muhiim si looga hortago caabuqyada. Waa in la beddelo muddo cayiman kadib. Macluumaad faahfaahsan waxa laga heli karaa xaashiyaha macluumaadka (PDF, 664 KB) (Infoblättern).
  • Dhaqista gacmahaaga – sidoo kale kahor beddelista - waa muhiim si aysan bakteeriya ugu dhalan taasi oo keeni karta caabuqyo.
  • Haddii alaabta caadada aan si joogto ah loo beddelin, bakteeriya ayaa ku dhalan karta. Bakteeriyadani waxay keeni kartaa waxa loo yaqaan toxic shock syndrome (eeg Toxisches Schocksyndrom | Gesundheitsportal).
    Laakiin ha warwarin: halistu waa mid hoosaysa, xataa haddii si dhab ah loo qaato.
  • Waxa muhiim inaad ogaato: haddii alaabta caadada aad xirnaato muddo ka badan inta lagu taliyey oo kadib aad astaamo yeelato, waxa ugu fiican inaad dhakhtar aragto ama aad wacdo khadka tooska ah ee talada caafimaadka ee bilaashka ah 1450.

Maxay tahay inaan ka ogaado alaabada caadada ee la geliyo siilka (tampon, koobka caadada, saxanka caadada)?

  • Inta aadan gelin ama inta aadan ka saarin, had iyo jeer dhaq gacmahaaga.
    Tani waxay yaraysaa halista bakteeriyada geli karta siilka.
  • Inaad si nafis u joogsado/fariisato ayaa fiican marka galinta alaabta.
    Tani waxay nogon kartaa ku fariisiga suuliga, taagnida (tusaale adigoo hal lug saaraya geerka saxanka qubayska) ama kadaloobsi.
  • Xayrayn ayaa sidoo kale ku caawin karta marka gelinta.
    Waxa laga heli karaa farsmasiyada.
  • Waxa muhiim ah inaad ogaato: alaabta caadadu waxba ma yeesho waxa loo yaqaan "bikronimada". Xuubka bikradu waa mid kala jiidma oo ma xiro afka siilka.
    Haddii kale, dhiigga caadadu dibadda uma soo bixi kareen.
    Dhakhtar haween sidoo kale waligii ma arki kareen in la isticmaalay tampon ama in kale.
    Alaabta caadada ee (siilka) la geliyo sidaas darteed ma dillaacin karaan xuubka bikrada.

Macluumaad ku saabsan xuubka bikrada oo luuqado badan ku qoran waxa laga heli karaa halkan: www.oegf.at.

Maxay tahay in la fiiriyo marka la eego alaabada caadada xilliga uurka ama dhalmada kadib?

Muddada dhiigga uurka iyo dhalmada kadib, waa inaan la isticmaalin alaabada caadada ee siilka la geliyo.

Wakhtigan waxa jira halis badan oo caabuq.

Kadib dhalmada, waxa muhiim ah in dhiiggu dhalmada kadib uu iska socdo oo ay nabaradu bogsadaan marka hore.

Marka tan la eego, buushashka ama nigiska caadada ayaa ugu fiican.

Maxay tahay in la fiiriyo marka la eego gudniinka xubinta taranka haweenka (FGM/C) iyo alaabada caadada?

Marka la eego gudniinka xubinta taranka haweenka (weiblicher Genitalbeschneidung) (FGM/C), galinta alaabada caadada siilku waxay keeni kartaa xanuun, caabuq ama dhibaatooyin kale.

Marka la eego Gudniinka xubinta taranka haweenka nooca 3 (tolid), isticmaalka alaabada caadada ee la geliyo suurtogal ma aha.

Wixii su'aalo ku saabsan gudniinta xubinta taranka haweenka, caawimo ayaa laga heli karaa +43 1 267 7 267 iyo goobaha la-talinta ee dhammaan Austria: www.fgm-koordinationsstelle.at.

Waa maxay agabka laga heli karo alaabada caadada?

  • Agabka iyo walxaha ku jira alaabada caadadu waa kala duwan yihiin.
    Alaabada qaar, waxa ku jiri kara kiimikooyin ama cadarro.
    Markay sidaas tahay, waxa muhiim ah inaad beddesho alaabta.
  • Walxaha waxa sida badan laga akhrin karaa baakadda.
  • Warbaahinta marka la eego, waxa jira warbixino been ah oo soo noqnoqday oo ku saabsan biraha ku jira tampon-ada.
    Waxa la sheegaa inay galeen tampon-ada markii la soosaarayey iyo inay caafimaadka waxyeelo ku yihiin.
    Hase yeeshee, sida ay sheegayso Hay'adda Fadaraalka ee Qiimaynta Halista (Jarmalka), tampon-adu khatar kuma aha caafimaadka.

Halkee ayaan ka heli karaa alaab caado oo bilaash ah?

Tampon-no ama buushash bilaash ah waxa laga heli karaa halkan:

Ogow: Mararka qaar waxa sidoo kale laga heli karaa alaabo caado oo bilaash ah xarumaha dhallinta, dugsiyada ama la-talinta. Raba ogaanshaha wax badan!

Waxaan hayaa su'aalo kale oo ku saabsan alaabta caadada, halkeen ka heli karaa macluumaad?

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan alaabada caadada:

  • Fiidyow (Jarmal, Turkish, Carabi): Alaabta caadada oo la sharraxay (Ready for Red): www.ready-for-red.at
  • Websaytka (luuqado badan): Nadaafadda xilliga caadada (zanzu): www.zanzu.de
  • Macluumaad ku qoran Luuqadda Dadka Maqalka Beelay (Sex, baff!, equalizent): www.sexbaff.at

Websaytyo (Jarmal):

Barta koowaad ee lala xiriiro wixii su'aalo ku saabsan alaabada caadada:

  • Dhakhaatiirta, gaar ahaan:
  • Dhakhtarka haweenka
  • Dhakhtarka Guud
  • Dhakhtarka dugsiga

Raadinta dhakhtar: www.gesundheit.gv.at

  • Taleefanka khadka tooska ah ee talada caafimaadka 1450, waxa la helaa wakhti kasta si loogu sheego wixii cabasho ah iyo wixii hubinti la'aan ah:
    Taleefanka: 1450, www.1450.at/
  • Adeegga haweenka: macluumaad bilaash ah oo ku saabsan dhammaan xaaladaha nolosha, Taleefanka: 0800 20 20 11 www.bmfwf.gv.at
  • Rat auf Draht: Taleefanka: 147, www.rataufdraht.at

Fiidyowyo ku baxaya dhawr luuqadood oo ku saabsan daryeelka caafimaadka Austria:

Die verwendete Literatur finden Sie im Quellenverzeichnis.

Letzte Aktualisierung: 22. Oktober 2025

Erstellt durch: Gesundheit Österreich GmbH, Abteilung Gesundheit, Gesellschaft und Chancengerechtigkeit

Zurück zum Anfang des Inhaltes